Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday guri daara oo ku yaala degmada Axmed Dhagax

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday guri daara oo ku yaala degmada Axmed Dhagax.
Ciidanka ayaa markii gurmadkaa lagu soo wargeliyay, si degdeg ah u gaadhay goobtaas, Isla markaana xakameeyay dabkii. Waxaana ciidamadu badbaadiyeen hantidii gurigaa taalay.
Dhanka kale ciidamada Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay gaadhi dab qabsaday degmada Faarax Oomaar.
Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay dabkan, waxaana hawlgaladaa goobjoog ahaa ciidamada Booliska.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada markastaba ku wacyigelinayaa inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab ama keeni kara khatar kale.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
Media & PR Officer
999 Emergency Service