Ciidanka Dab-Demiska Oo Xakameeyey Dab Ku Fidayey Suuqa Weyn Ee Hargeysa

Ciidanka Dab-demiska JSL oo ka hawlgalay Meherado iyo Bakhaaro habeenimadii xalay dab qabsaday badhtahama Suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Meheradahan ayaa kala ahaa saddex meheradood oo iskugu jiray bakhaaro nooca khudaarta ah iyo dukaamo nooca iibiya Raashinka iyo bagaashka.

Bakhaaradan ayaa labo ka mid ah xidhnaayeen, waxaana ciidamadu markiiba bilaabeen inay jabiyaan Qufulada ku xidhnaa, intaa kadibna damiyaan dabkaas, waxaana ay ka xakameeyeen inuu dabkaas ku fido qaybaha kale ee suuqa iyo hantidii faraha badnayd ee taalay bakhaaradan,Meheradahan ayaa gudahoodu usii kala baxayay midkiiba saddex qol oo kale.

Sababta dabkan dhalisay, waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska, waxaana ciidanka Boolisku kaalin muhiima ka qaateen ilaalinta amaanka goobtaa hawlgalku ka socday. Dhankooda waxaa iyaguna goobjoog ahaa maamulka dawlada hoose Hargeysa iyo shirkadaha korontada.

Hawlgalkan waxaa ku sugnaa dhamaan xarumaha kala duwan ee ciidanku ku leeyahay gudaha caasimada Hargeysa, waxaana ka hawlgalay ku dhawaad 10 gaadhi oo wata ciidankii ka hawlgalayay, dhanka kalena waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo saraakiisha kale ee ciidanka.

Goobta ayaa ahayd isku raran ayna ku yaaleen meherado farabadan,huteelo masaajid weyn iyo goobo kale oo ganacsi, sidoo kale waxaa cidhiidhi ahayd dariiqa loo marayay goobtaas, si dabka loo damiyo.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay, waxaana ciidamadu badbaadiyeen hanti farabadan oo taalay suuqaas, iyadoo halis ay ugu jirtay in dabku guud ahaan ku fido goobaha ganacsi ee kale.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada in la furo dariiqyada si Dabdemisku si sahlan u gudan karo waajibaadkiisa, sidoo kale waa in laga fogaadaa goobaha dabku ka dhaco, ciidamadana laga daayaa buuqa iyo cidhiidhiga. Sidoo kale waa in mulkiilayaasha meheraduhu ay u sameeyaan meherad kasta qof waardiye ah oo ilaaliya meherada, si dabka loo ogaado inta uu yaryahay.

Info.fire@sldgov.org
990 Gurmadka degdega ah