Ciidanka Dab-demiska oo Todoba Caruura ka Samatabixiyay Guri Dab Qabsaday degmada 31 May ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska oo Todoba Caruura ka Samatabixiyay Guri Dab Qabsaday degmada 31 May ee magaalada Hargeysa.
Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta abaaro 10:00 maalinimo soo badbaadiyay 7 Caruur ah oo dab ku qabsaday hoygii ay ka degenaayeen magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 31 May.
Todobada caruura mid ka mida ayaa dabku ka qabsaday qaybo ka mida jidhkiisa,waxaana ciidamada Dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka caruurta ee magaalada Hargeysa (MASH) halkaas oo lagu dabiibayo.
Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya laamaha dambi baadhista ciidanka Booliska, waxaana badbaadadaa ka hawlgalay ciidanka dabdemiska taliska guud.
Dhanka kale ciidanka Dab-demiska ayaa dabkii guriga haystay ka xakameeyay, sidoo kale ciidanku waxay dabkaa ka hakiyeen inuu ku fido guryaha kale ee u dhaw.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool Somaliland in markastaba ay ka taxadaraan wax kasta oo keeni kara halis dab, sidoo kale laga taxadaro in caruurta guryaha lagaga tago kaligood, waxaanay taasi keeni kartaa khatar dab oo ka dhalata guriga.
Wixii faahfaahin ah
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
0636230000
www.fire.govsomaliland.org