Ciidanka Dab-Demiska Oo Tobabar Usoo Gabo Gabeeyey Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Pharo Foundation Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa Waaxda Farsamada, tababarada bulshada iyo Wacyigelinta Ciidanka Dab-demiska oo uu horkacayo Eng Siciid Yacquub Hogaanka Waaxda,ayaa maanta tababar soconayay muddo Saddex cisho ah u soo gebagabeeyay ardayda dugsiga hoose dhexe ee Pharo Foundation magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa ardaydu ku barteen wixii ay samayn lahaayeen hadii ay dab la kulmaan, waxyaabaha ka mamnuuca ah, aqoon guud oo ku saabsan Dabka iyo khatartiisa iyo barashada qaabka ciidanku u shaqeeyo.

Ugu dambayna waxaa si toosa loo tusay xarunta Ciidanka Dab-demiska, Gaadiidka, Qolka Isgaadhsiinta, iyo qaybo ka mida qalabka Ciidanka Dab-demiska.

Gabegabdiina waxaa halkaa Mahadnaq uga jeediyay Ciidanka maamulka dugsigaas.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990/ Emergency Services