Ciidanka Dab-demiska oo tababar u qabtay Machadka Hargeisa Nursing School.

Tababar ku saabsan habka loo isticmaalo damiyaasha yar yar ( Portable fire extinguishers) ayaa maanta ciidanka dabdemisku u qabtay Machadka tababarka caafimaadka ee Hargeisa of school Health Science.
Waxaana tababarkan bixinayay hogaanka waaxda farsamada,tababarada iyo wacyigelinta bulshada Eng. Siciid Maxamed Yacquub.
Tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay macalimiinta iyo qaar ka mida ardayda machadkaasi, waxaana ay ka faaideen habka loogu damiyo dabka, sida looga hortago in dab dhasho iyo aqoon guud oo ku saabsan aafada dabka.
Ugu dambayn maamulka, macalimiinta iyo ardayda ayaa halkaa ka mahadnaqay.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Cismaan Toox