Ciidanka Dab-demiska oo maanta ka qayb galay xafladii xil-wareejinta dawlada hoose Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska oo maanta ka qayb galay xafladii xil-wareejinta dawlada hoose Hargeysa.

#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili , Isla markaana goobjoog ahaayeen saraakiisha iyo gaadiidka ciidanka Dab-demiska ayaa maanta ka qayb galay xaflad xil_wareejinta golihii deegaanka hore ee caasimada iyo golaha cusub oo ka qabsoomay karasharka dawlada hoose ee duleedka galbeed ee Hargeysa.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska oo halkaa kalmad ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahadnaqay golihii hore oo ay ugu horeeyaan Maayarka, Maayar xigeenka, xoghayaha dawlada hoose iyo dhamaan golaha deegaanka hore, waxaanuu ku bogaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay markastaba u garab taagnaayeen ciidanka Dab-demiska Caasimada iyagoo hiil iyo hooba la garab joogay.

Dhanka kale wuxuu taliyuhu soo dhaweeyay Mayorka, ku xigeenkiisa iyo mudanayaasha cusub ee golaha deegaanka isagoo sheegay inuu ka filayo wadashaqayn wanaagsan iyo markastaba labada dhinac iska kaashadaan horumarinta ciidanka Dab-demiska Caasimada, waxaanu taliyuhu ilaahay uga baryay inuu xilkaa iyo masuuliyadaa ku asturo.

Ugu dambayn taliyaha ciidanka ayaa halkaa ka akhriyay warbixin ku saabsan shaqada ciidanka iyo guud ahaan hawlgaladii ciidanku fuliyay sannadkii 2020 waxaanay faahfaahintoodu ahayd :

153 Milyan oo doolar hanti
358 Qof badbaado ah
476 Xoolo kala duwan
471 Badbaado Gaadiid

Gebagabadii ciidanka Dab-demiska ayaa halkaas shahaado sharafyo ku maamuusay maamulkii hore ee dawlada hoose Hargeysa.

Info@Somalilandfire.com
990 Emergency Service