Ciidanka Dab Demiska Oo Ka Soo Saaray Meydka Wiil Yar Oo Ku Dabaalanaayey Bali Ku Yaala Galbeedka Magaaladda Hargeysa

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Galbeed Ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa ( CDQ)_ 01.05.2021_ Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku Dhintay Balli Ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka Galbeed ee caasimada Hargeysa gaar ahaan agagaarka dugsiga Amaano.

Hal Qof oo Joogay Goobtaas ayaa Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ku Soo wargeliyay balse Qofkaas ayaa Ciidanka Dabdemiska u soo sheegay wakhti dambe waxaanuu soo dalbaday in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu baadigoob u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose Ee Balligu ku Dhagtay ku Raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

Gabagadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska.

Ciidanka Dabdemiska ayaan ka Hawlgelin kaliya Hawlgalada Dabka balse waxaa Ciidanku Ka Hawlgalaa Gurmad kasta oo Badbaado taasoo Ciidanka Dabdemisku wax ka Qaban Karo, waxaana Muddooyinkii u dambeeyay markasta Dabdemisku ka hawlgalay Dad iyo xoolo siyaabo kala Duwan ugu dhacay Godad,Suuliyo,Bullaacado, dad daadad laga samatabixiyay iyo kaalmo shidaal.

Ugu Dambayn Ciidanka Dabdemisku wuxuu Fariin u dirayaa Shacbiweynaha taaso o ah In ay ka digtoonaadaan Xilli Roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah Nafta iyo Maalka Muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.