Ciidanka Dab-demiska oo ka hawgalay Dab Qabsaday Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe

#Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday laba qol oo ka mida hoyga uu degenyahay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo ku yaala xaafada Masalaha.
Dabka ayaa ka bilaabmay laba qol oo ku yaalla banaanka guriga, kuwaasi oo kala ahaa Istoodh iyo qolka Ilaalada guriga, waxaana ciidanka Dab-demiska oo goobtaas markiiba gaadhay ay dabkii ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay. Ciidanka ayaa badbaadiyay guriga intiisa kale oo ahaa laba dabaq hantidii taalay iyo saddex gaadhi.
Sababta dabkan dhalisay ayaa goobjoogayaashu ciidanka u sheegeen in Ilmo yari ku gubay Leetar. Hawgalkan waxaa ka qayb qaatay ciidanka dab-demiska degmada Maxamuud Haybe iyo ciidamada Taliska guud , sidoo kalena waxaa gurmadka lagu galay Shan gaadhi oo dab-demis ah.
Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaas goob joog ka ahaa, waxaa iyaguna ka qayb ahaa xubno ka mida saraakiisha iyo ciidanka labada xarumood.

Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay ciidamada dab-demiska isagoo sheegay in markii ay dalbadeenba gurmadka ciidanku soo gaadheen, isla markaana damiyeen goobtii dabku haystay, sidoo kale dabkaa ka badbaadiyay qaybaha kale ee dhismaha.
Ugu dambayn ciidanka dab-demiska ayaa hawlgalkaa ku soo dhameeyay guul , waxaana hawlgalkaa iyaguna dhankooda ka qayb qaatay ciidanka Booliska caasimada Hargeysa.
Hawlgalkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee maanta ciidanka dab-demiska Somaliland u gurmadeen , kuwaa oo kala ah laba hawlgal oo magaalada Hargeysa ah iyo hal hawlgal oo magaalada Ceerigaabo ah.

Info.fire@govsomaliland.org
Somalilandfire@gmail.com
990 Emergency Service
Somalilandfire.com