Ciidanka Dab-demiska oo Gaadhi ka soo badbaadiyay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

#Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta duhurkii Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ka soo badbaadiyay gaadhi nooca yar yar ah.

Ciidanka oo adeegsanaya gaadiidka gurmadka iyo xadhkaha samatabaxinta gaar ahaan wiishka ayaa gaadhigaa iyo darawalkiiba ka soo badbaadiyay daad marayay dooxa. Sidoo kalena waxaa iyagana laga samatabixiyay caruur yar yar.

Waxaa iyaguna halkaas goobjoog ahaa ciidanka Booliska caasimada Hargeysa.

Ugu dambayn ciidanku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool guud ahaan Somaliland inaanay naftooda halis galin, isla markaana ka taxadaraan goobaha Dooxyada, Balliyada iyo biyo mareenada.

FG : Darawalkaa maanta dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ku biimeeyay naftiisa, caruurta la socotay iyo maalkiisaba waxaa laga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan.

Info@somalilandfire.com