Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dab Qabsaday Meherada Al-khaliij ee ku taala xaafada Calaamadaha.

Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dab Qabsaday Meherada Al-khaliij ee ku taala xaafada Calaamadaha.

 

Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa abaaro 2:00 habeenimo ee xalay damiyay dab qabsaday meherada Al-khaliij Super market oo ku taala xaafada Calaamada gaar ahaan degmada Maxamuud Haybe.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa si deg deg ah u gaadhay goobtaas, waxaana ciidamada oo adeegsanaya qalabada casriga ah dab-deminta, isla markiiba damiyeen laba gaadhi oo dabku haystay, kuwaasi oo horyaalay afaafka hore ee meherada. Sidoo kale ciidanka ayaa damiyay haamaha gaasta ee cuntada lagu karsado oo iyaguna goobta yaalay dabkuna haystay.

Dhanka kale ciidamada ayaa badbaadiyay dhamaan hantidii taalay meherada oo iskugu jirtay noocyo badan, waxaa sidoo kale ciidamadu ka xakameeyeen dabkaas meherado kale oo ku yaala agagaarkaas.

Gaadiidka dabku qabsaday ayaa kala ahaa gaadhi dhayne ah iyo gaadhi yar oo nooca loo yaqaano (one ten ka ), waxaa iyadana dabkaa laga badbaadiyay gaadiid kale oo goobtaa yaalay.

Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay, waxaana hawlgalkaa ka qayb qaatay Taliyaha guud ee ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ciidanka Dab-demiska Maxamuud Haybe, ciidanka Dab-demiska Axmed Macallin Haaruun iyo ciidanka Dab-demiska taliska guud.

Sidoo kale waxaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa Badhasaabka gobolka Maroodijeex, Qaar ka mida xilidhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa, ciidanka Booliska degmada Maxamuud Haybe iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demiska ayaa ku guuleystay xakamaynta, badbaadinta hantidii taalay goobtaa iyo ganacsiyadii kale.

 

Fore more information

@Cabdiwahaab Toox

info@fire.gov.org

Media Officer

990 Emergency Service