Ciidanka Dab-demiska oo booqasho ugu tagey qoys Caruur kaga geeriyootay dab ka kacay xaafada Daami ee Hargeysa

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ku xigeenka Khadar Nuur, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Siciid Jaamac Nuur, gudoomiyaha degmada Gacan_Libaax iyo xubno ka mida mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa ayaa maanta booqasho ugu tagey Qoyskii habeenimadii xalay geeridu ku dhacday ee laba caruuri kaga dhinteen Dab ka kacay xaafada Daami.
Masuuliyiinta ayaa la qaybsaday tiiraanyada qoyskaas.Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa halkaas bulshada uga soo jeediyay in markasta ay la shaqeeyaan ciidamada Dab-demiska oo u taagan badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta, isla markaana dariiqa u banneeyaan marka hawlgalada lagu jiro. Sidoo kale taliyaha ayaa bulshada ku wacyigeliyay in lambarka ciidanka dab-demisku yahay 990.
Dhankiisa Duqa caasimada Hargeysa ayaa dhankiisa hadalo iskugu jira dardaaran iyo wacyigelin u jeediyay bulshada ku nool magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in ciidanka dabdemisku diyaar u yahay masiibo kasta oo timaada, hasayeeshee wuxuu bulshada ku wacyigeliyay in dariiqa u banneeyaan sidoo kale ciidamada dabdemiska ka joojiyaan shiidka iyo goobaha dabka laga daminayo oo lagu soo buuqo.
Sidoo kale wuxuu mayorku aad ugu dheeraaday shaqada nafhurnimada ah ee ciidanka dabdemisku bulshada u hayo, isagoo sheegay in markastaba lagu dadaalo in ciidankaas si hagar la’aan ah loola shaqeeyo.
Dhankooda waxaa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin kale iyo dadweynaha ku nool xaafada Daami ee magaalada Hargeysa oo si isku mida uga hadlay dhacdadan.
Info@fire.govsomaliland.org
990 Emergency Call
www.fire.govsomaliland.org