Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala Degmada 31 May.

#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala Degmada 31 May.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska degmada ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Allah Mahad leh
For more information
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service