Ciidanka Dab-demiska Laascaanood oo damiyay Dab ka kacay Saylada Hiliblayaasha oo ku taala xaafada Royal.

Ciidanka Dab-demiska Laascaanood oo damiyay Dab ka kacay Saylada Hiliblayaasha oo ku taala xaafada Royal.
#Laascaanood Ciidanka Dab-demiska magaalada Laascaanood ayaa damiyay dab qabsaday xaabo lagu ururiyay God ku yaala saylada hiliblayaasha ee xaafada Royal ee Laascaanood.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas mana jirin khasaare uu sababay.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in wakhtigan xagaaga ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Info@fire.govsomaliland.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service