Hargeysa; Ciidanka Dab-Demiska Hargeysa Oo Saaka Waaberigii Ku Guuleystay Daminta Dab Qabsaday Hudheel Cuntada Lagu Kariyo

Ciidanka Dab-Demiska Caasimadda Hargeysa Gaar Ahaan taliska guud iyo ciidanka Dab-demiska Ee degmadda maxamuud haybe ayaa saaka waaberigii 
Gurmad U fidiyey Dab Ka kacay Hudheel Cunto oo ku yaala Degmadda Maxamuud Haybe Gaar Ahaan Xaafada Gacanta 8aad
Ciidanka Oo adeegsanaya xirfadaha kala duwan ee Xakamaynta iyo Bakhtiinta Dabka ayaa ku guuleystay in ay Hudheelkaas iyo goobihii ganacsi
Ee Ku dhawaaba ay ka xakameeyaan Dabkii, Mana Jirin Khasaare Nafeed Dhimasho Iyo Dhaawac  Oo Uu Dabkaasi Sababay.


Cidaanka Ayaa Sidoo kale Ku Guuleystay Badbaadinta Hantidii Hudheelka taalay iyo Gaadiid Lagaga Hortagay Hudhheelka Hortiisa Kuwaasi Oo Ka koobnaa Laba Gaadhi Oo Ahaa Nooca Yar-yar ee Takaasida Vitz-ta loo yaqaano Iyo Hal Gaadhi Oo ahaa Nooca Waa Weyn Ee Xamuulka Qaada.

Ciidanka Dab-demiska Waxaa Iyaguna hawl-galkaa Garab ka siiyey Ciidanka Booliska Ee Saldhiga Qudhac-dheer Kuwaasi Oo La wareegay Baadhista Iyo Sababta Gubashada Dabkaasi.

Ugu Dambayn Ciidanka Dab-demisku Waxay Halkan Fariin uga dirayaa Ganacsatada Iyo Dad weynaha Ku Dhaqan Gobolada Kala Duwan Ee Somaliland
In Ay Ka Feejignaadaan Halista Nafeed Iyo Mida Maaliyaddeed Ee Uu Dabku Sababi Karo Sidoo Kalena Ay Ka Taxadiraan Meheradaha Wakhtiyada Rawaxaada Ee Laga Tagayo Iyadoo Ay Baxayaan Adeegyadii Korontada Taasi Oo Keeni karta Dab Ka kaca Goobtaada Ganacsi.

Info.fire@sldgov.org
990 Emergency Service