Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab Qabsaday oo ku yaala xaafada Dhagasayn ee Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab Qabsaday oo ku yaala xaafada Dhagasayn ee Hargeysa.
#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaala xaafada Dhagasayn.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in wakhtigan ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
																								
						 </div>
						 	  <div class= Share this post with your friends

facebook_logo.png twitter_logo.png linkedin_logo.png pinterest_logo.png