Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay dab qabsaday Guri Jiingada.

#Hargeysa_ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday guri Jiingad ah oo ku yaala degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka Dab-demiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaas kana xakameeyaan guryihii kale ee ka ag dhawaa gurigaas dabku qabsaday.
Ma jirin Dhaawac iyo Dhimasho toona,dhanka kale maamulka degmada iyo ciidanka Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay.
Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990- Emergency Call.
www.fire.govsomaliland.org