Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Libaaxyada.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Libaaxyada.
#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa gaar ahaan Maxamuud Haybe ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daara oo ku yaala xaafada Libaaxyada
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska degmada Maxamuud Haybe ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Info@fire.govsomaliland.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service