Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta galinkii dambe soo samatabixiyay nin maskaxda ka xanuusan oo isku gubay badhtamaha Dooxa weyn ee Hargeysa gaar ahaan cisbitaalka Gargaar dhabarkisa
Hargeysa _ 15 Aug 2021 _Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta galinkii dambe soo samatabixiyay nin maskaxda ka xanuusan oo isku gubay badhtamaha Dooxa weyn ee Hargeysa gaar ahaan cisbitaalka Gargaar dhabarkisaCiidanka oo ay horkacayaan waaxda caafimaadku ayaa goobtaas degdeg u gaadhay waxaanay la kulmeen ninkaas oo qaybo ka mida Jidhkiisa ah Dabku gaadhay, waxaana isla markiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo.
Ninkan ayaa da'diisu tahay 37 jir laguna magacaabaa Cawaale Cali Hayaan, sida eheladiisu ciidanka u sheegeena dhawaan laga soo daayay Cilaaj, waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen Garbaha,laabta, bogga iyo caloosha.
Ciidanka Dab-demisku waxay bulshada ku wacyigelinayaan in dadka maskaxda ka jirran aan kaligood la sii dayn had iyo jeerna laga warhayo.
Taliyaha Ciidanka Dabdamiska oo Qiimeyn ku sameeyay Hotelka Serene Sarovar Hargeisa
Tababar ku saabsan Haamaha Breathing Appartus
Dabdemiska Ceerigaabo iyo Hargeysa oo ka halwgalay guryo gubtay kuwaasoo u badnaa daaro iyo Jiingado.
Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.
Ciidanka Dabdemiska Berbera oo damiyay Guri Jiingada oo dab Qabsaday kuna yaala degmadaas.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo heegan kaga jira suuqa Wajaale.