Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab Qabsaday Meherad ah oo ku taalla xaafada 150 ka.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab Qabsaday Meherad ah oo ku taalla xaafada 150 ka.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey meheradihii u dhawaa,mana Jirin dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sidoo kale ciidanka ayaa badbaadiyay hantidii dhex taalay Bakhaarkaas oo ahayd 1600 kartoon.
Ciidanka Booliska degmada ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Allah Mahad leh
For more information
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service