Ciidanka Dab Demiska Ee Degmadda M/Haybe Oo Soo Badbaadiyey Neef Waxar Ah Oo Musqul Ku Dhacday
Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Maxamuud Haybe ayaa maanta Neef yar oo Waxara ka soo badbaadiyay Musqul xaafada Maxamed Mooge.
Ciidanka ayaa ku guuleystay samatabixinta neefkaas, waxaana ciidamadu godka ka soo saareen iyadoo nool.
Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa dadweynaha ku nool caasimada iyo guud ahaan Somaliland inay ka waantoobaan godadka, bullaacadaha ama Musqulaha had iyo goor laga tago iyagoo afbanaan, waxaanay taasi keeni kartaa halis nafeed.