Ciidanka Dab Demiska Ee Ceerigaabo Oo Loo Bilaabay Diiwaangelinta Habka Casirga Ah

Ceerigaabo Diiwaangelinta Ciidanka Dab-demiska ee Bu’ada Indhaha iyo Faraha ( Biometric Registration System) ayaa maanta si rasmiya looga daahfuray xarunta dawlada hoose ee magaalada Ceerigaabo.

Munaasibad ka qabsoontay xarunta dawlada hoose Ceerigaabo oo ay ka soo qaybgaleen Taliyayaasha Ciidanka,xubnaha ciidanka iyo Maamulka Waaxda diiwaangelinta ayaa lagu qabtay xaruntaasi.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay xubnaha waftiga cutub ka tirsan Ciidanka oo ay horkacayaan Taliyaha Gobolka Sanaag ee Ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha kale ee ku sugan gobolka.

Masuuliyiinta ayaa si isku mida u bogaadiyay hawshan, waxaanay tilmaameen inay tahay markii u horaysay ee laga sameeyo diiwaangelintan oo kale Gobolka , taasoo Ciidanka Dab-demiska Somaliland noqonayo ciidamadii ugu horeeyay ee nidaamkan loo sameeyo.

Dhankooda masuuliyiinta Waaxda Diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha ee hawshan hirgeliyay ayaa marwalbana la garab taagan ciidanka hiil iyo hooba, waxaanay soo dhamaystireen dhamaan Lixda gobol ee ciidamada Dab-demisku ku sugan yihiin.

Ugu dambayn hawshaas waxaa maanta si rasmiya u daahfuray saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Ceerigaabo iyo masuuliyiinta waaxda diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha Somaliland.

Masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta ayaa muddadii hawshan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ay kala shaqaynayeen muujiyay dedaal, karti iyo Hufnaan, waxaana Ciidanku uga mahadnaqayaa hawshaa culus ee ay tunka u riteen.

Ceerigaabo/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com