Ciidanka Dab-Demiska Ee Caasimadda Iyo Gobolada Kala Duwan Oo Gurmad U Fidiyey Bulshada Wakhti Roobaadka

Hargeysa- Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa iyo gobolada Somaliland ayaa intii raxmaadka Eebe curteen waxay ka hawlgaleen in gurmad ay u fidiyaan Gaadiid iyo shacab dhibaato ka soo gaadhay Dooxyada iyo laagaha.

Ciidanka ayaa Gaadiid fara badan oo ay saarnaayeen dad ka soo samatabixiyay dooxyada , waxaana ciidamadu maalmihii u dambeeyay ku hawlanaayeen sidii loo badbaadin lahaa cid kasta oo waxyeelo soo gaadho , sidoo kale waxaa ciidanku sameeyay ka hortag iyo heegan buuxa in laga feejignaado in waxyeelo badani dhacdo.

Dhanka kale ciidamada Booliska ayaa iyaguna dhankooda la hawlgalay ciidamada Dab-demiska iyagoo had iyo goor ku dedaalaya in markasta oo Roob yimaado la xidho goobaha biyo mareenada ah.

Ciidamada ayaa tallaabo ka qaaday darawal kasta oo si badheedh ah iskugu biimeeya khatarta dooxyada iyo biyo mareenada.

Ugu dambayn waxaa ciidanka Dab-demisku halkan farriin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka taxadaraan kana feejignaadaan goobaha Biyo mareenada ah , xadhkaha korontada iyo khatar kastaba. Qof kasta oo baalmara awaamirtaasna waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale ciidamada Dab-demiska ayaa habeenimadii xalay la tacaalay inay damiyaan Dab Shoodh laydh ahaa kaasi oo ka kacay dhismaha weyn ee fooqa Cumar Xaashi ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaas ka xakameeyeen fooqa intiisa kale, iyadoo dabkaas laga hakiyay inuu ku fido Shanta dabaq ee kale.

Dabkan ayaa ka bilaabmay dabaqyada Saddexaad iyo Shanaad oo ay ku jireen meherado ganacsi iyo Shirkado gaar loo leeyahay, waxaana halkaas soo gaadhay Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco waxaanay u mahadceliyeen ciidamada Dab-demiska sida ay markasta 24 ka saacadood ba heegan u yihiin inay badbaadiyaan naf iyo maalba.

Ugu dambayn Hawlgaladaas ayaa dhamaantood ku soo dhamaaday guul.

Naftood hurayaasha ciidanka Dab-demiska ayaa ilaa maalintii ay curteen roobabku waxay heegan buuxa ka galeen inay ka jawaabaan Khatar kasta oo iman karta xilli kasta.

Info@somalilandfire.com
990 Emergency Services