Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa oo maanta ka qayb qaatay Olale Nadaafadeed oo ka qabsoomay Hargeysa.


Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa oo maanta ka qayb qaatay Olale Nadaafadeed oo ka qabsoomay Hargeysa.
Hargeysa_ Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta salaadii hore ka qayb qaatay olale nadaafeed oo guud ahaan si wada jira looga bilaabay degmooyinka Hargeysa, waxaana ciidamadu ka hawlgaleen Biriishka labaad ee magaalada iyo dhamaan sideeda degmo ee ay ka koobantahay caasimada Hargeysa.
Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa horkacayay olalahan waxaa iyaguna goobjoog ahaa dhamaan saraakiisha kala duwan ee ciidanka dab-demiska oo si wada jira uga qayb qaatay olalahaas nadaafadeed.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo kormeer samaynayay ayaa taliyaha ciidanka dabdemisku warbixin ka siiyay shaqada iskaa wax u qabsada ah ee ciidanka dabdemisku maanta ka qayb qaateen, waxaanuu madaxweynuhu bogaadiyay shaqada adag ee ciidanku u hayaan qaranka.
Ugu dambayn ciidanka dab-demiska ayaa markastaba sameeya barnaamijyada iskaa wax u qabsada ku saabsan haday tahay olalayaasha qaran iyo haday noqoto kuwo ciidanka dab-demiska u gaar ah.
Taliyaha ciidanka Dab-demiska iyo guud ahaan ciidanka Dab-demisku waxay markastaba bogaadinayaan isla markaana dhiirigelinayaan in xukuumad iyo shicib si wada jira looga qayb qaato ololayaasha iskaa wax u qabsada ah ee lagu horumarinayo qarankeena Somaliland.
Info@fire.govsomaliland.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service




+17
0
People reached
0
Engagements
Boost post
Like
Comment
Share