Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa oo damiyay dab qabsaday Guryo Jiingada ah oo ku yaalla degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Dhagax.

Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa  damiyay dab Qabsaday guryo Jiingado oo ku yaalla degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed dhagax .

Ciidanka Dab-demiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaas kana xakameeyaan guryihii kale ee ka ag dhawaa gurigaas dabku qabsaday.

Ma jirin Dhaawac iyo Dhimasho, sababta dabkaa dhalisayna waxaa gacanta ku haya laamaha baadhista.
Dhanka kale maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka ayaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay.