Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa iyo ciidamada Dab-demiska Burco oo maanta ka hawlgalay daminta dabab kala duwan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa iyo ciidamada Dab-demiska Burco oo maanta ka hawlgalay daminta dabab kala duwan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday gaadhi dhex yaala guri ku yaala xaafada Sheedaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ciidamadu ku guuleysteen inay damiyaan dabkaa.
Dhanka kale ciidamada Dab-demiska Burco ayaa ka hawlgalay dhawr hawlgal kuwaasoo ahaa laba guri oo ku gubtay xaafada Oktoobar, sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleystay daminta laba hawlgal oo ahaa Somgas oo gubtay xaafadaha Jarmalka iyo Caqiibo.
Guud ahaan ciidamada Dab-demiska ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas, mana jirin khasaare ka dhashay dabkaasi.
Ciidamada Booliska magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa dhankooda ka qaybqaatay hawlgaladaas.
Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox