Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ka soo badbaadiyay Labada Gaadhi.

#Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ka soo badbaadiyay Labada Gaadhi.
Ciidanka oo adeegsanaya gaadiidka gurmadka iyo xadhkaha samatabaxinta gaar ahaan wiishka ayaa gaadiidkaas iyo darawaladiiba ka soo badbaadiyay dooxa. Sidoo kalena waxaa iyagana laga samatabixiyay dad gaadiidkaas ku caddilnaa.
Waxaa iyaguna halkaas goobjoog ahaa ciidanka Booliska caasimada Hargeysa.
Dhanka kale ciidanka Dab-demiska Burco ayaa gurmad u fidiyay gaadhi Surf ah oo dab qabsaday degmada Maxamed Cali gaar ahaan xaafada Cawaale Suqaar waxaana ciidamadu ku guuleysteen inay damiyaan gaadhigaas , isla markaana ka xakameeyaan dabka.
Ugu dambayn ciidanku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool guud ahaan Somaliland inaanay naftooda halis galin, isla markaana ka taxadaraan goobaha Dooxyada, Balliyada iyo biyo mareenada.
Allaa Mahad Leh
Info@somalilandfire.com
990 Emergency Service