Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab ka kacay Geerash ku yaala degmada Axmed Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab ka kacay Geerash ku yaala degmada Axmed Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidiyay gaadiidka kale ee geerashkaa yaalay oo tiradoodu ahayd 25 Gaadhi, waxaana ciidanku dabkaa ku hakiyeen halkii ay ku gaadheen.
Ma jirin cid wax ku noqotay dabkaa, waxaa sidoo kalena iyaguna goobjoog ahaa Ciidanka Booliska degmada Axmed Macalin Haaruun.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in marka ugu horaysa ee ay dabka arkaan la soo xidhiidhaan lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dab-demiska ee 990, waxay taasi fududaynaysaa in si sahlan lagu soo gaadho dabku intuu yaryahay.
Fore more information
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
990 Gurmadka degdega ah