Ciidanka Dab-demiska Burco oo soo badbaadiyay Gabadh Musqul la duntay.

Ciidanka Dab-demiska Burco oo soo badbaadiyay Gabadh Musqul la duntay.
#Burco Ciidanka Dab-demiska Burco ayaa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay degmada Sheekh Bashiir nooca badbaadadaas oo ahayd Gabadh Suuli ku dhacday lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.
Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, isla markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay gabadhaas ka soo saaraan musqusha.
Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Burco.
Dadweynihii goobta joogay iyo eheladii gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyeen gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo gurmadkii ay waydiisteen, waxanay sheegeen inay dadaalka ay dadkooda ugu shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.
Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaada waxaana ciidanku ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.
Warbaahinta CDQ
990- Gurmadka degdega ah
www.fire.govsomaliland.org