Ciidanka Dab-demiska Burco oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Jarmalka.


Ciidanka Dab-demiska Burco oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Jarmalka.
#Burco Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay dab qabsaday guri daar ah oo ku yaala xaafada Jarmalka ee degmada Lixle.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska magaaladaas ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in wakhtigan xagaaga ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Info@fire.govsomaliland.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service




0
People reached
1
Engagement
Boost post

11