Ciidanka Dab-demiska Berbera oo damiyay Dab Qabsaday Saddex Guri oo Jiingada oo ku yaala xaafada Jaama_laaye.

Ciidanka Dab-demiska Berbera oo damiyay Dab Qabsaday Saddex Guri oo Jiingada oo ku yaala xaafada Jaama_laaye.
#Berbera Ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera ayaa damiyay dab qabsaday saddex Jiingadood oo ku yaala xaafada Jaama_laaye.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska magaaladaas ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in wakhtigan xagaaga ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.
Info@fire.govsomaliland.org
www.fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service