Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo tababar siiyay ardayda dugsiyada ELM Schools.

Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo ku gudajira hawlaha tababarka iyo wacyigelinta ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee Somaliland, ayaa maanta tababar iyo wacyigelin u sameeyay ardayda wax ka dhigata dugsiga Elm ee magaalada Hargeysa.
Waaxda tababarada bulshada iyo wacyigelinta oo uu horkacayo hogaan xigeenka waaxda Eng Muuse Cabdi Ismaaciil ayaa halkaa ardayda ku tababaray habka kahortagga khataraha dabka, qaabka loo sheegayo hadii ay arkaan dab iyo wacyigelin guud oo ku saabsan dabka.
Ardayda ayaa intaa kadib qaar ka mid ahi yimaadeen taliska guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ay ku soo mareen qaybaha kala duwan ee xarunta sida isgaadhsiinta, gaadiidka iyo dirayska ciidamada oo loo sharaxay habka loogu shaqeeyo.
Gudoomiyaha Waxbarashada degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr magan oo halkaa ka hadashay ayaa u mahadnaqday ciidamada Dab-demiska kaalinta laxaadka leh ee ay ka jiraan bulshada, sidoo kale waxay bogaadisay wacyigelinta ardayda ee dugsiyada waxbarashada oo ay sheegtay inay muhiim tahay in markastaba la xoojiyo wacyigelinta ardayda.
Ugu dambayn Gudoomiyaha ayaa ardayda kula dardaarantay inay iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara dab, hadii ay arkaana ay u sheegaan dadka waaweyn iyo waalidka, sidoo kale xafidaan lambarka gurmadka degdega ah ee 990.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service