Arday ka mida dugsiga British Canadian International School ayaa booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dabdemiska ee magaalada Hargeysa.

Arday ka mida dugsiga British Canadian International School ayaa booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dabdemiska ee magaalada Hargeysa.
Ardayda ayaa soo maray qaybaha kala duwan ee taliska waxaanay soo mareen Gaadiidka, Qalabka, isgaadhsiinta iyo xafiisyada. Ugu dambayna waxay la kulmeen Taliyaha ciidanka Dabdemiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.
Ardayda ayaa sidoo kale la siiyay wacyigelin ku saabsan ka hortaga dabka, hadii dab kaco habka loo daminayo iyo sida loo soo waco lambarka gurmadka ee 990.
Ugu dambayn xubno ka mida ardaydaas ayaa ka waramay waxyaabahay soo arkeen iyo wacyigelinta ay qaateen.
Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad soo wacdaa lambarka gurmadka degdega ah ee 990 , guud ahaan lixda gobol ee Somaliland, shirkadaha Telesom iyo Somtel.
Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Gurmadka degdega ah