Alle haw naxariistee waxaa goor dhawayd ciidamada Dabdemiska caasimada Hargeysa ka hawlgaleen Wiil yar oo geed koray, kadibna uu ku dhagay xadhiga laydhka fayska.

Alle haw naxariistee waxaa goor dhawayd ciidamada Dabdemiska caasimada Hargeysa ka hawlgaleen Wiil yar oo geed koray, kadibna uu ku dhagay xadhiga laydhka fayska.
Ciidamada ayaa markii lagu soo wargeliyay gurmadkaa goobtaa gaadhay isla markiiba, waxaana ciidanku maydkii ka soo dejiyeen dusha sare ee geedka.
Wiilkan yar ayaa sida eheladu u xaqiijiyeen ciidamada Dabdemiska dhawaan ka yimi Miyiga.
Ciidanka Booliska saldhiga Qudhac-dheer iyo ciidanka Dambi baadhista ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa, waxaana ciidanka dambi baadhistu baadhayaan sababta keentay dhimashada.
Gurmadkan waxaa fuliyay ciidanka Dab-demiska xarunta Maxamuud Haybe iyo ciidanka taliska guud ee Dab-demiska JSL.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu bulshada uga digayaa inay ka taxadaraan khatarta ay leedahay korontadu.
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
990 Emergency