
Ciidamada ayaa markii lagu soo wargeliyay gurmadkaa goobtaa gaadhay isla markiiba, waxaana ciidanku maydkii ka soo dejiyeen dusha sare ee geedka.
Wiilkan yar ayaa sida eheladu u xaqiijiyeen ciidamada Dabdemiska dhawaan ka yimi Miyiga.
Ciidanka Booliska saldhiga Qudhac-dheer iyo ciidanka Dambi baadhista ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa, waxaana ciidanka dambi baadhistu baadhayaan sababta keentay dhimashada.
Gurmadkan waxaa fuliyay ciidanka Dab-demiska xarunta Maxamuud Haybe iyo ciidanka taliska guud ee Dab-demiska JSL.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu bulshada uga digayaa inay ka taxadaraan khatarta ay leedahay korontadu.
Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org
990 Emergency