Alle haw naxariistee hal Nin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay xaafada Jameecada ee kantaroolka Bari ee magaalada Gabiley.

Alle haw naxariistee hal Nin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay xaafada Jameecada ee kantaroolka Bari ee magaalada Gabiley.

Qofka dhintay ayaa ahaa darawalkii waday gaadhigaas. Gaadhiga shilka galay ayaa ahaa gaadhi Ambulance ah gaar ahaan nooca loo yaqaan Noah, sida la sheegayna waxaa waday darawalka oo kaliya.
Ciidanka Dab-demiska Gobolka Gabiley ayaa ka hawlgalay hawlgalkan waxaanay gurmad u fidiyeen , isla markaasna gaadheen goobtii shilku ka dhacay.
Gaadhigan Ambalaaska ayaa waxaa lahayd Sixa Ambulances.
Sababta shilka waxaa gacanta ku haya ciidanka Baadhista Booliska, waxaana maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Gabiley.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku. Ilaahay jannooyinkiisana Haku casuumo. Aamiin Aamiin Aamiin
Fore more information

Cabdiwahaab Toox
Media & PR Officer
990 Emergency Service
Info.fire@sldgov.org