28 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska Somaliland oo maanta loo soo gebagabeeyay tababar ku saabsan habka loo sameeyo gargaarka degdega ah ( First Aid ) .

28 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska Somaliland oo maanta loo soo gebagabeeyay tababar ku saabsan habka loo sameeyo gargaarka degdega ah ( First Aid ) .
Tababar ku saabsanaa habka loo sameeyo gargaarka degdega ah ( First Aid ) oo ay qaadanayeen saraakiisha ciidanka Dab-demka ayaa lagu gebagabeeyay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland, waxaana tababarkan bixinayay machadka culuumta caafimaadka HIOHS.
Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Agaasimaha machadka Hargeisa nursing school oo munaasibada xidhitaanka halkaa ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha inay shaqada ciidanka ku dabaqaan marka ay la kulmaan xaalado gargaar degdeg ah u baahan.
Tababarkan oo socday laba cisho ayaa ciidamadu ku barteen habka loo sameeyo gargaarka degdega ah, maadaama oo markasta ciidamadu la kulmaan xaalado u baahan gargaar degdeg ah, waxaana halkaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo machadkan culuumta caafimaadka ayaa is dhaafsaday tababaro ku saabsan aqoonta ay bixiyaan labada dhinac, iyadoo laba bilood ka hor ciidanka dabdemisku tababar ku saabsan ka hortagga dabka siiyay machadka Hargeysa school nursing ee magaalada Hargeysa.
Info.fire@sldgov.org
990 gurmadka degdega ah
Cabdiwahaab Toox
Hargeysa _ Somaliland

https://www.youtube.com/watch?v=22QwHdX8YbI