Ciidanka Dabemiska ayaa todobaadkii u dambeeyay tababaro kala duwan u qabanayay qaar ka mida ururada dhalinyarada ka shaqaysa arrimaha bulshada iyadoo ciidanka dabdemisku u qabtay tababaro ku saabsan habka loo damiyo dabka, gaar ahaan loogu damiyo haamaha yar yare e loo yaqaano portable fire extinguishers.

Ciidanka ayaa ku tababaray dhalinyaradaa in hadii dab kaco, habka ugu fudud ee ay u damin karaan inta ay ka soo gaadhayaan dabdemisku, dhalinyaradan ayaa si fiican tababarkan u qaatay, waxaanay mid mid u qaateen tababarka.

Ugu dambayntii dhalinyarada ayaa halkaa uga mahadnaqay ciidamada Dab-demiska jsl, tababarkan qiimaha badan ee ay siiyeen waxaanay sheegeen inay uga faaideyn doonaan bulshada inteeda kale, wacyigelintaana gaadhsiin doonaan.