Alle haw naxariistee laba Wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay, halka laba kale ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Ciidanka Dab-demiska Gabiley iyo cisbitaalka weyn ee Gabiley ayaa gurmad degdeg ah goobtaa ku gaadhay, waxaana maydkii iyo dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka Gabiley. Gaadhiga shilka galay ayaa noociisu ahaa gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Vitz.
Dhaawacyada Ciidanku cisbitaalka gaadhsiiyay ayaa qabay dhaawacyo tiro badan waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbitaalka Gabiley. Qofkii shanaad ee gaadhiga saarnaa ayaa ilaa hadda la raadinayaa.
Sababta shilkan dhalisay waxaa la wareegay qaybta baadhista shilalka Ciidanka Taraafikada gobolka Gabiley.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa eheladii, qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen labadaa marxuum.
Allaa Mahad leh
Fore more details
Cabdiwahaab Toox
Media & PR Office
#990emergencyservice
Info.fire@sldgov.org